Madaxweyne Xassan Sheekh oo madaxtooyada ku qaabilay Ilhaan Cumar

by wadani | Tuesday, Dec 20, 2016

Muqdisho :HN : -Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ka mid noqotay golaha wakiillada Xisbiga Dimoquraadiga dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar waa gabar Soomaaliyeed oo ka tirsan golaha Wakiilada Xisbiga Dimuqoraadiga dalka Mareykanka ee laga soo doorto gobolka Minnesota.

Madaxweynaha ayeey dhowr daqiiqad ku sugeyn halkii loo diyaariyey in ay kula kulmaan, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa mar kale Ilhaan Cumar oo ah Sanotor Xisbiga Dimuqoraadiga Mareykanka matasha ku soo dhoweeyey dalkeeda.

Madaxweynaha, ayaa uga mahadceliyey booqashada ay dalka ku timid, sidoo kale waxa uu ugu hambalyeeyey guulihii ay ka soo gaartay doorashooyinkii ay ka qeyb-gashay ugu dambeynna ay ku guuleystay Kursigii ay u tartameysay.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in dalka ay ka socdaan doorashooyinkii Qaran oo gabo-gabo ku dhow, sidaa darteedna ay bulshada xog wareysi la yeelato si ay u ogaato dedaalka dowladdu sameysay, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed oo dhan afartii sanno ee la soo dhaafey.

Ugu danbeyntii, Ilaah Cumar ayaa uga mahad celiysay dowladda dadaalka ay ku bixineyso hormarka iyo siddii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor ah.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!