Madaxweyne Xassan Sheekh oo saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Beledweyne

by admin | Thursday, Oct 23, 2014

Beledweyne : HN :– Saacadaha soo socda ayaa lagu waddaa in magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan soo gaaraan wafdi uu horkacayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa xiligan ku sugan degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, halkaasoo uu kulamo kula leeyahaypresident-hassan-mohamud_large maamulka iyo qeybaha bulshada degmada.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo waxgarad ayaa xiligan ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne si ay uga qeyb-qaataan soo dhaweynta madaxweynaha.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dib ayaan idinka soo gudbin doonaa….

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!