Madaxweyne Xassan Sheekh oo saakay ku sii jeeda degmada Dhuusa-mareeb

by admin | Tuesday, Feb 10, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ku wajahan degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud.

Wafdiga madaxweynaha oo ay ku jiraan xubno ka tirsan dowladda Somalia ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay uu degmadaas tagay taliyaha guud ee nabadsugidda iyo sirdoonka Somalia, Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare.

Amniga magaalada Dhuuso-mareeb ayaa aad loo xoojiyay, iyadoo ciidammo cusub oo kuwa nabadsugidda ah oo shalay la geeyay Madaxweynahadegmadaas ay qayb ka yihiin ciidamada amniga adkeynaya, waxaa kaloo la arkayaa kuwa Itoobiya oo iyaguna adkeynta amniga ka qaybqaadanaya.

Qabanqaabo weyn oo lagu soo dhaweynayo madaxweynaha ayaa degmadaas ka socota, iyadoo la filayo in madaxweynaha iyo wafdigiisu ay goor-dhow tagaan Dhuuso-mareeb.

Madaxweynaha ayaa lagu waddaa marka uu tago degmada in uu khudbad ka jeediyo madasha uu ka soconayo shirka dib-u-hishiisiinta ee hor dhaca u ah dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!