Madaxweyne Xassan Sheekh oo saakay ku sii jeeda magaalada Baydhabo

by admin | Tuesday, Oct 28, 2014

Baydhabo : HN :-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ammniga siweyn loo adkeeyay loona diyaar-garoobayo soo dhaweynta madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo saacadaha soo socda la fillayo in uu gaaro Baydhabo.

Madaxweynaha dowladda Soomaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa lagu waddaa in uu magaalada Baydhabo ka furo wajigii saddexaad shirweynaha maamul u sameynta koonfur galbeed Somalia sida uu warbaahinta u sheegay Siyaad Shiikh Daahir oo ah afhayeenka shirka oo Baydhabo ku sugan.

“Maanta xaalka Baydhabo sidii hore waa ka duwan yahay waxaan sugeynaa oo aan soo dhoweynaynaa madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafdibay uu horkacayo si ay noogu furaan wejiga 3aad ee shirka maamul sameynta koonfur galbeed” ayuu yiri Siyaad Shiikh Daahir.

Wejiga 3aad ee shirka ayaa lagu wadaa in lagu doorto madaxdii hogaamin laheyd maamulka sadexda gobol ee Koonfur galbeed, iyadoo dhinaca kale maamulka lixda gobol ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunow ay diidan yihiin shirkan iyo natiijada ka soo baxeysa.

Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari oo labo cisho ka hor gaaray magaalada Baydhabo ayaa halkaas kaga horeeya madaxweynaha, iyagoo illaa shalay kulamo la qaadanayey duqeyda dhaqanka beelaha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!