Madaxweyne Xassan Sheekh oo saakay ku sii jeeda magaalada Dhuusa-mareeb

by admin | Sunday, Feb 8, 2015

Dhuusa-mareeb : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud  ayaa la filaya in uu maanta gaaro magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud,sida waxaa sheegay mas’uuliyin ka tirsan madaxtooyada.

Degmada Dhuusa Mareeb waxaa ku sugan wafdi horu-dhac u ah booqashada madaxweynaha,waxaana halka si weyn looga dareemaya qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha.

Nabad-galyada ayaa siweyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda ay sugayaanMadaxweyne-Dawlada-Federaalka-Soomaaliya2 ammaanka guud ee magaalada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Dhuusa Mareeb, iyadoo wali aan loo guda gelin qaban qaabada shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo uu hakad badan ku jiro.

Wararka ayaa intaa ku daraya in wali ay ka jirto is qab qabsi ku aadan halka lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta, iyadoo dowladda Federaalka laga sugeyso inay caddeyso goobta sida rasmiga ah ee shirka lagu qaban doono.

Madaxweynaha ayaa horay uga baaqday booqasho uu ku tagi lahaa Dhuusa Mareeb, waxaana dib u dhacyada ku imaanayay la sheegay inay ahaayeen arrimo farsamo iyo marxaladihii khilaafyada siyaasadeed ee dowladda Federaalka ka dhex jiray.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!