Madaxweyne Xassan Sheekh oo sheegay in aan loo dulqaadan karin weerarkii Afgooye oo kaliye

by wadani | Wednesday, Oct 19, 2016

Afgooye : HN :-Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa canaan kulul u jeediyay Wasiirada iyo Taliyeyaasha Amniga, kaddib kulan deg deg ahaa oo uu maanta kula yeeshay Xarunta Madaxtooyada, kaasoo looga hadlayay duulaankii Al-Shabaab ku soo qaadeen degmada Afgooye.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Amniga Wasiir kuxigeenka Gaashaandhigga, Taliyaha NISA, Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Taliyaha AMISOM iyo saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Madaxweynaha xilka haya ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin in maalin cad la soo weeraro shacabka iyo ciidanka ku sugan degmada Afgooye.

“Looma dulqaadan karo in cadowga uu maalin cad soo weeraro shacabka iyo ciidanka Afgooye, Waxaana ku amray in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdadii shalay ay kooxaha nabad-diidka ku soo weerareen degmada Afgooye”ayaa lagu qoray barta Facebook ee Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa faray Laamaha ammaanka in la dardargeliyo howlgalka lagula jiro Al-Shabaab oo muddooyinkii u dambeeyay la wareeganayay deegaano cusub, oo ay faarujiyeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda hada jirta in sii lumineyso deegaano la xoreeyay afar sano ka hor, isla markaana Al-Shabaab ay maalin cad soo weerareen degmada Afgooye oo ay saldhigyo ku lahaayeen ciidanka dowladda iyo AMISOM.

xasan-kulan

Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe muddo saacado ah la wareegay degmada Afgooye, kaddib weerar ku bilowday qarax ismiidaamin iyo dagala toos ah oo ay dhowr jiho kaga soo qaadeen degmada.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!