Madaxweyne Xassan Sheekh oo sheegay in dowladda ku guuleysatay sugida amniga

by Somali | Wednesday, Mar 6, 2013 | 27 views

Somali President Hassan Sheikh Mohamud p Dooxa : HN:  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa isaga oo jooga ama ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qadar waxaa uu qudbad dhinacyo badan taabaneysa uu ka jeediyay TV-ga Al-jazeera.

Madaxweynaha waxaa uu qudbadiisa ku soo qaatay arrimaha nabad-galyada, siyaasada, iyo waliba dib u hishiisiinta, isaga oo si gaar ah u soo qaaday arrimaha amaanka.

Madaxweyne Xassan Sheekh waxaa uu sheegay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay ama uu hogaamiyo in badan ku guuleystay in ay wax ka qabato arrimaha amaanka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo sida uu sheegay ay hadda ku soo qul qulayaan safiiro caalami ah.

“Maanta 20 safaaradood ayaa ka furan Muqdisho, xaaladda ammaan waa mid aad u wanaagsan, balse waxaan ka codsanaynaa dalalka muslimka ah in ay dalka yimaadaan. Imaanshahooda ma ahan mid aan wax uga doonayno balse waxay noo tahay mid muuqaal ahaan iyo niyad ahaan aad noogu wanaagsan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaweynuhu dhinaca kale waxaa uu soo hadal qaaday arinta ku saabsan wada hadallada Soomaaliland iyo dowladda dhexe, isaga oo sheegay in dowladdiisa ka go’an tahay soo celinta midnimada umadda Soomaaliya, islamarkaana diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Soomaaliland.

Mar la weydiiyay su’aal kale oo ahayd qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sida ay ula macaamilayaan dalalka dariska la ah sida Kenya iyo Itoobiya ayuu kaga jawaabay inay u qorsheysan tahay inay kula noolaadaan nabad iyo deggenaasho, sidoo kalena ay wadaagaan khayraadka labada dhinac, isagoo sheegay in taasi ay qaybta hore kaga jirto howlahooda shaqo.

Madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud iyo ayaa isaga iyo wafdi uu horkacayo waxaa ay ku sugan yihiin magaalada Dooxa ee dalka Qadar, halkaa oo uu wada hadallo kula yeeshay mas’uuliyiinta dalkaas.

Arinta ku saabsan wada hadallada Al-shabaab ayuu sheegay madaxweynaha in Al-shabaab aysan lahayd barnaamij ay ku howlgalaan, balse iyagu ay diyaar u yihiin inay si walba oo ay tahay xiriirro kala duwan ula sameeyaan ayna siinayaan fursado siyaasadeed, wuxuuna ugu baaqay ajaabinta Al-shabaab la safan inay dalka isaga baxaan, kuwa kale ee Soomaalida ahna ay la hadli doonaan, isagoo ka reebay kuwo uu ku sheegay dambiilayaal waaweyn oo caalamku uu doon-doonayo.

Hiiraan Net.

 

 

Like it? Share it!