Madaxweyne Xassan Sheekh oo sheegay in mudo kordhin jirin doonin marka la gaaro 2016-ka

by admin | Wednesday, May 6, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladdiisu aysan ku darsan doonin xilli dheeraad ah marka la gaaro sannadka 2016-ka markaasoo la filayo inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah.

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa bogaadiyay booqashadii uu John Kerry dhalay ku yimid Muqdisho, wuxuuna sheegay in booqashadaas ay ahayd mid taariikhi ah oo ka turjumeysay heerka ay Somalia gaartay maanta.

Siddoo kale waxaa uu sharaxaad ka bixiyay doorashooyinka ka dhici doono Somalia sannadka 2016-ka, wuxuuna xusay inay shardiHassan-Sheikh-Mohamud kaliya ahayn in deegaannada iyo tuulooyinka doorasho ka dhacdo haddii aan la gaari karin.

“Ma ahan shardi ah in tuulooyinka iyo deegaannada in doorasho ka dhacaan, haddii aan la gaari karin magaalooyinka ayay doorashadu ka dhici doontaa, sida caasimadda. Sannadka 2016-ka waxaa naga go’an in dalka doorasho ka dhacdo,” ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa mar kale sheegay inaanay jirin xilli kordhin loo sameeyo dowladdiisa, iyadoo qodobkan uu ahaa waxyaabihii uu kala hadlay John Kerry oo sheegay in sannadka 2016-ka ay Somalia ka dhici doonto doorasho.

“Waan ku cel-celinay wax xilli kororsi ma jiri doonto marka la gaaro Sannadka 2016-ka. Dowladdii bedeli lahayd middan ayaa imaanaysa taasoo ku imaan doonta qaab doorasho ah; waayo kororsiimo la sameeyo waxaan is-qabqabsi ahayn lagama faa’iidayo,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu soo hadal qaaday in 300 oo qof ay soo codsadeen inay ka mid noqdeen guddiyada doorashooyinka, xuduudaha iyo dib u eegista dastuurka, isagoo xusay in tallabadaas ay billow u tahay Hiigsiga aragtida Sannadka 2016-ka ee Somalia.

Ugu dambeyn, inkastoo madaxweynuhu uu hadalkan sheegay haddana dad badan ayaa shaki ka qaba in sanadka 2016-ka ay dalka doorasho xor ah ka dhici doonto, maadaama dowladdu aanay ahayn mid awood leh oo amniga dalka oo dhan sugi karta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!