Madaxweyne Xassan Sheekh oo shir caalami ah uga qeyb-gallaya dalka Masar

by admin | Friday, Mar 13, 2015

Masar : HN :–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaarey magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar halkaas oo uu kaga qeybgalayo shir madaxeed looga hadli doono horumarinta dhaqaalaha Masar.

Shir madaxeedkan ayaa la filaya inay ka soo qeybgalaan madaxda waddamada dunida qaarkood, shirkadaha caalamiga ee ganacsiga iyoIB0A9543 maalgashiga , ururro caalami ah iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inta uu joogo Masar inuu kulamo la qaato madaxda dalalka ka qeybgalaya shirkan, madaxda shirkadaha ganacsiga iyo mas’uuliyiin kale oo daneynaya inay Soomaaliya maalgashi ku sameeyaan.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin wasiiro, mas’uuliyiin kale iyo ganacsato, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Sharm El-Sheikh si diiran ugu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Masar Mudane Ibrahim Mehleb, saraakiil sare iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!