Madaxweyne Xassan Sheekh oo shir uga qeyb-galaya magaalada Riyadh ee dalka Saudi Arabia

by admin | Wednesday, Nov 11, 2015

Riyadh : HN :– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, halkaasoo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedka ee Carabta iyo Latin America.

Shir madaxeedkan ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, nabadgelyda iyo horumarinta. iyadoo ay ka soo qeyb-gali doonaan madax heer caalami ah.

carab-Ka hor booqashada uu ku tegey Sacuudiga, Madaxweynaha waxaa horey u soo booqdey dalalka Uganda iyo Djibouti, halkaasoo uu kulamo kula soo yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni’ iyadoo kulamadaasi looga hadley arrimo la xiriira amniga’ la dagaalanka argagixisada iyo iskaashiga.

Booqashada afarta maalmood ee Madaxweynaha uu ku tegey Djibouti’ Uganda iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa tilmaameysa dib u soo kabashada Soomaaliya, sida guulaha laga gaarey ladagalanka Xarkada Al Shabaab’ dib u soo celinta nabadda, si waddanka looga dhigo mid horumarsan’ barwaaqeysan; doorna ka qaata arrimaha gobolka iyo caalamka iniisa kale.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!