Madaxweyne Xassan Sheekh oo si aan horay loo arag uga qeyb-gallay munaasabada 15 May, SAWIRO

by admin | Friday, May 15, 2015

Muqdisho : HN :- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo ay wehliyaan xubno ka tirsan gollaha wasiirrada ayaa maanta jidadka magaalada Muqdisho kala qeyb-gallay dhalinyarrada fantisyaha xuska 15 ka May ee maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa munaasabad awgeed waxaa uu socod ku maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, isagoo isla markaana ubax xusuus ah dhigey taalada SYL .

Socodka uu ku marey waddooyinka kadib, Madaxweynaha waxaa uu shacabka magaalada Muqdisho kula hadley fagaaraha Daljirka Daahsoon.

socod-2

socod-3‘’Fariinta aan maanta idin wado waxay tahay in dhalinyarada ay waddankooda dhistaan. Ma jirto cid aan idinka ahayn oo waddankan uu u fadhiyo. Dadaalka aad hadda waddaan waa inaad sii labanlaabtaan. Dhalinyaradii sameysey SYL 72 sanno ka hor waxay ahaayeen kuwo naftooda u hurey in Soomaaliya ay xorowdo, maqaam sarena ay gaarto. Sidaa darted waxaan idin kula dardaarmayaa idinkoo taas ka shidaal qaadanayaa inaad ku dhaqaaqdaan talaabo waddankan lagu hormarinayo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa munaasabadda maanta ee 15 May, ku wehliyey xubno ka tirsan labada gole, saraakiil sare oo ka tirsan ciidammada, mas’uuliyiin kale iyo ururrada bulshada.

socod-6socod-9socod-11socod-1Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!