Madaxweyne Xassan Sheekh oo soo dhaweeyay dhismaha baarlamaanka Jubba

by admin | Monday, Apr 27, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa siweyn u soo dhaweeyay dhismaha baarlamanka maamulka ku-meel gaarka ee Jubba oo dhowaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dhismaha Baarlamaankan uu yahay mid qeyb ka qaadanaya hirgelinta nidaamka federaalka.

“Waan soo dhoweynayaa tallaabada horay loo qaaday ee dhismaha baarlamanka maamulka Jubba, Waxay tani ka tarjumeysaa sida ayMadaxweyne-Dawlada-Federaalka-Soomaaliya2 inooga wada go’an tahay dhameystirka nidaamka federaalka ee dalkeena”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hanaan walba oo la dhaqan gelinayo ay la soo gudboonaato caqabado iyo cabashooyin ay dadku muujiyaan, balse muhimaddu ay tahay in la helo nidaam, kadibna la xaliyo murannada iyo cabashooyinka jira.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay Maamulka KMG ee Jubba kala shaqeyso sidii loo xalin lahaa cabashooyinka ka dhashey hanaanka xulista baarlamanka ee maamulka, waxaana ujeedku uu yahay in beel kasta ay hesho saamiga ay xaqa u leedahay, baarlamankanina uu noqdo mid dadka oo dhan ay iska wada arkaan”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqey dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan barnaamijyada lagu hirgelinayo hanaanka federaalka iyo sugidda amniga dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!