Madaxweyne Xassan Sheekh oo soo dhaweeyay dhismaha baarlamaanka maamulka gobollada dhexe

by admin | Thursday, Jun 25, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka maamulka cusub ee loo sameynayo gobollada dhexe, kaas oo lagu dhaariyey magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhisan tahay dib umadaxweyne-xasan-sheikh heshiisiin iyo nabadeyn, isla markaana aaney marnaba dowladda taageeri doonin maamul carqalad gelinaya amniga maamul kale oo dalka ka jira.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha baarlamankan cusub ay ka tarjumeyso horumarka laga sameynayo dhinaca hirgelinta nidaamka federaalka ee uu waddanku qaatey.

“Shacabka gobollada dhexe waa cusub ayaa u baryey, shaqo badan ayaana sugeysa. Dhismaha baarlamanka waa bilowga dhismaha maamul buuxa oo degaanadaasi ay yeeshaan mustaqbalka. Waxaan shacabka gobolladaasi u sheegayaa inay ka faa’ideystaan fursadda ay heystaan oo ah inay rabitaankooda ku soo doortaan cidda ay doonayaan inay hoggaamiso, iyadoo dowladda federaalkana ay diyaar u tahay in cid kasta oo la soo doortaa ay la shaqeyso’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii,hadalka madaxweynaha waxuu ku soo aadaya xilli maamulka ka dhismaya gobollada dhexe dastuurkiisa uu dhigayo xadduudka uu la wadaagayo Puntland inuu yahay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal,taaso lugu sheegay xad-gudub inay tahay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!