Madaxweyne Xassan Sheekh oo soo dhaweeyay doorashadii Shariif Xassan

by admin | Wednesday, Nov 19, 2014

Copenhagen : HN :– War-saxaafadeed laga soo saaray xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu soo dhaweynayo dhismaha maamulka saddexda gobol ee K-galbeed Soomaaliya iyo doorashada Shariif Xassan Sheekh Aadan.

“Madaxweynuhu wuxuu hambalyo iyo bogaaadin u diraayaa Madaxweynaha Cusub ee maamulka Koofur Gaæbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aden”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku taliyay in la saxo wixii dhiman ee dhameystirka Maamulka, waxaana uu Soomaalida degan Koofur Galbeed ku bogaadiyay inay masiirkooda ka tashadaan, iyagoo ilaalinaya xuquuqda dhamaan dadka deegaanada ka soo jeeda.

Waxaa kaloo war saxaafadeedka lagu sheegay inay muhiim tahay in laga wada hadlo habka ka wada qeyb galka iyo in ay sii wadaan islaMadaxweynaha_Somalia_Xasan_baaq tashiga si loo saxo wixii cabasho ah ee ka jira habraaca dhammeystirka maamaulka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu ugu hambalyeeyaydadka deggan Koofur Galbeed guusha billowga ah ee dhismaha dawlad gobaleedkooda.

War saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada ayaa ka hor imaanaya mid maalin ka hor ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka, kaasoo lagu sheegay in aanay dowladda aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda shirka maamul u sameynta Koofur Galbeed oo maalinimadii Isniintii Madaxweyne loogu doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

9-kii bishan ayay aheyd markii war si wada jir ah uga soo baxay Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha lagu hakiyay shirkaas muddo labo todobaad, si loo xaliyo cabashooyin jiray, hase ahaatee ergooyinka shirka ayaan dheg jalaq u siin, isla markaana sii watay maamul dhisida Koofur Galbeed.

 Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!