Madaxweyne Xassan Sheekh oo soo dhaweeyay go’aankii baarlamaanka

by admin | Saturday, Dec 6, 2014

Muqisho : HN :- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa soo dhaweeyay go’aankii xubnaha gollaha baarlamaanka Soomaaliya ay kalsoonida kala noqdeen xukuumadii uu hogeeminayay ra’iisal wasaare Cabdiwali, isaga oo bogaadiyay sidda xil kasnimada leh oo ay xildhibaannadu go’aanka uga gaareen khilaafkii siyaasadeed ee taagnaa.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayuu waxaa uu ugu mahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku codeeyay Haa iyo Maya, isagoo xusay in aanay jirin cid guuleysatay iyo cid laga guuleystay.

“Waxaan rabaa in aan u mahad celiyo dhammaan xildhibaanada kuwa haa ku codeyey, kuwa maya ku codeeyey iyo kuwa ka aamusayba ,Madaxweynaha_Soomaaliya_Dagaallo_1 waxaan kale oo ku ammaanayaa oggolaanshaha ay oggolaadeen xeerka u degsan iyo sida ay ugu dhaqmeenba, Waxaan leeyahay ma jirto cid guuleysatay iyo cid laga guuleystay”ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyey Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo guud ahaan xubnaha Golaha Wasiirrada oo muujiyay dadaal muddadii ay xilka hayeen, iyaga oo ku shaqeynayay marxalad adag. Wuxuuna hey’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba ka codsaday in la siiyo xushmadda ay mudan yihiin.

“Soomaaliya way ka soo gudubtay dagaalkii sokeeye, way ka soo gudubtay fowdadii, way ka soo gudubtay xilligii ay si sahlan u kala daadan kartay, maanta waxa ay maraysaa meel ay hay’adaheeda dowladnimda ay si buuxdo u shaqeynayaan, guddoonka baarlamaanka iyo Xidlhibaanada waxa ay muujiyeen dul qaad, karti dheeri ah iyo in ay aaminsanyihiin xalinta mushaakilaadkooda, waa dhab in lakala aragti duwanaaday”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxwaynaha ayaa soo dhaweeyay sida ay awooda ugu yeesheen hay’adaha dowliga in ay xaliyaan xaaladda siyaasadeed ee soo wajahay dalka iyadoo aanan dibadda laga soo faragelin. Madaxwaynuhu wuxuu ku amray hayadaha aminga in ay foojignaan dheeraad ah la yimaadaan, kana hortagaan cadowga umadda.

Madaxweynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed u ballanqaaday in aan habac soo geli doonin habsami u socodka howlaha baaxadda leh ee Qaranka oo ay ka mid yihiin la dagaallanka Shabaab iyo xag jirnimada iyo sugidda amniga, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay in howlaha leh mudnaanta koowaad oo ay ka mid yihiin dib u eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka, dhammaystirka dhaqan gelinta nidaamka Federaalka iyo doorashada 2016 oo dhammaantood ka mid ah Higsiga 2016 ay ku qabsoomi doonaan xilligii loogu tala galay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa balan qaaday in la tashi kadib inuu sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurta galka ah ku soo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare hanan kara howsha hor-taala dowladda, si looga dhabeeyo himilada shacabka Soomaaliyeed.

 Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!