Madaxweyne Xassan Sheekh oo sugan magaalada Dooxa ee dalka Qadar

by Somali | Monday, Mar 4, 2013 | 2 views

Xasan - Doxa 1Dooxa : HN :  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi la socda oo maalintii shalay ka ababaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Wafdiga madaxweynaha ku wehliya safarkiisa ayaa waxaa ka mid ah a’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiika arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka maaliyadda, Maxamud Xasan Suleymaan, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, taliyaha nabad-sugidda, Axmed Macallin Fiqi iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur ”Tarzan”

War laga soo saaray xarunta madaxtooyda Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay safarka madaxweynaha uu ku jooga magaalada Dooxa mid la salka ku haya casuumad rasmi ah oo uu ka hellay Sheekh Xamad Bin Khalifah Al-thani oo ah amiirka dalka Qadar.

Dowladda Qadar ayaa la sheegayaa in ay qeyb ka aheyd dowladihii sida weyn u taageeray doorashadii madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud, islamarkaana u olaleeyay in uu ku soo baxo kursiga.

Booqashooyinka madaxweyne Xasan uu ku tagayo dalalka caalamka ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwo lagu soo celinayo xiriirkii ay Soomaalia la lahayd dalalka caalamka.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!