Madaxweyne Xassan Sheekh oo tababar u soo xirray ciidammo kumaandoos ah

by admin | Monday, Dec 22, 2014

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud tababar u soo xirray maanta dufcadii labaad ciidammo kumaandoos ah tababar u socday muddo 10-bilood ah, iyadoo Madaxweynaha uu shahaado gudoonsiiyay askartii dhameysatay tababarka.

Munaasabada tababarka lagu soo xirayay oo uu Madaxweynuhu khudbad ka jeediyay ayaa waxaa ka qeyb galay Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Ciidanka Xooga dalka, saraakiil ka tirsan AMISOM iyo Midowga Yurub.

Taliyaha ciidammada xooga dalka Soomaaliyeed Jen, Dahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa sheegay in ciidamadanxasan-tababar-1 ay yihiin dufcadii labaad ciidammo Kumaandoos ah oo ay yeelaneyso dowladda Soomaaliya, isagoo ku amaanay ciidamadan sida ay ugu dhabar adeegeen tababarkan heerkiisu sareeyo, kuna booriyay inay dalka is bedel ka sameeyaan.

Sii hayaha xilka wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh xasan Xaamud ayaa sheegay in Soomaaliya ay dagaal kula jirto aragagixiso caalami ah, sidaas darteedna ciidamada xooga dalka uu ka saaran yahay waajib sidii ay dalka nabad ugu soo dabaali lahaayeen.

“Waxaa tihiin Mustaqbalkii dalka, kuwii bad baadin lahaa, waxaa la idinta rabaa inaad dalka nabad ka dhigtaan oo aad cadawga ka xoreysaan”ayuu yiri Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku amaanay ciidamadan dadaalkooda iyo sida ay ugu dhabar adeegeen tababarkan, waxaana uu kula dar daarmay in tababarada ay qaateen ay dadkooda iyo dalkooda ugu shaqeeyaa, ayna qeyb lixaad leh ka qaataan howl galada socda.

“Tababarka aad dhameysateen waa mid sare, waxaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan waxqabad muuqda, waayo waxaa socda dagaal lagula jiro kooxo nabadda diiddan, idinka ayaana la doonayaa in dalkan nabad aad ka dhigtaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa saldhigga xafladdu ka dhacaysay ku soo bandhigay gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen, kaasi oo ay mas’uuliyiintii goobjoogga ka ahaa ay aad ula yaabeen.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!