Madaxweyne Xassan Sheekh oo u dhoofay dalka Koonfur Africa

by admin | Saturday, Jun 13, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u amba baxay dalak Koonfur Afrika, halkaasi oo dhawaan uu ka furmi doono shirka hogaamiyeyaasha Midowga Afrika.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudanexaflad-4 Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Wasaaradda Cadaaladda Cabdullahi Axmed Jamac Ilka-jiir, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo masuuliyiin kale.

Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka Daa’uud Aweys oo Warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ay dalka Koonfur Afrika uga qeyb geli doonaan shirka hogaamiyeyaasha Midowga Afrika, kaasi oo ay horyaalaan arrimo badan oo xaaladda Qaaradda Afrika ku saabsan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!