Madaxweyne Xassan Sheekh oo u tacsiyeeyay ra’iisal wasaare Sharma’arke

by admin | Thursday, Feb 12, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray raiisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hooyadii Allah u naxariistee marxuumad Ruqiyo Macallin Dahir ay ku geeriyootay dalka Canada.

War saxaafadeed ka soo baxat Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa Alle looga baryay Marxuumad Ruqiyo inuu jannadii fardow alle ka waraabiyo, isla markaana samir iyo iimaan ka siiyo qoyskii ay ka tagtay.

“Waxaan aad uga tiiraanyeysanahay geerida marxuumadda.. Allah u naxariisto, jannadii fardowsana Allah ka waraabiyo, waxaannaMadaxweyne-Dawlada-Federaalka-Soomaaliya2 qoyskii iyo eheldadii ay ka tagteyna oo uu Raiisul Wasaare Cumar ka mid yahayna Ilaah uga baryayaasamir iyo iimaan inuu ka siiyo”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumadda ku tilmaamey inay ahayd astaan qaran oo Soomaaliya ay weysey.

“Marxuumadda ma ahan oo keliya inay hooyo u ahayd Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, balse waxay ahayd oo kale Marwadii 1aad ee uu ka dhintey madaxweyneheenii hore marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaarke, sidaa darteed geerideeda, waa mid Soomaali oo dhan taabaneysa”.

Marxuumad Ruqiyo Macallin Dahir ayaa la filayaa in lagu aaso isla dalka Canada oo ay ku geeriyootay, lamana oga in ra’iisal wasaaruhu halkaa u socdaali doono iyo in kale.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!