Madaxweyne Xassan Sheekh oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirrada Hindiya

by admin | Saturday, Nov 14, 2015

20151114635830829089234999Xasan_Sheekh_Safiirka_India (3)Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa maanta xarunta madaxtooyada Somalia waraaqihii aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay safiiradda cusub ee Jamhuriyadda India ee dalka Somalia, Ms Suchitra Durai.

Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyay danjiraha cusub in dowlada Soomaaliya ay iskaashi buuxa iyo wada-shaqeyn u fidin doonto inta ay ku gudda jirto gudashada shaqada ay Soomaalyia u joogto, isagoo sidoo kale uga mahad-celiyay xukuumadda Hindiya sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada waddan.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay dhambaal ay danjire Durai ka sidday RW Hindiya, Narendra Modi oo ahaa in dowladiisa ay Somalia u soo direyso guddi qiimeyn ku sameeya dhinacyada ay labada dal iska-kaashan karaan, sida dhaqaalaha, maal-geshiga, dib u dhiska, amniga, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada.

20151114635830828562276174Xasan_Sheekh_Safiirka_India (6)“Aad baan ula dhacsan nahay xiriirka wanaagsan ee nagala dhexeeya Hindiya. Dhawaan markaan tagay New Delhi, wuxuu ra’iisul wasaare Modi muujiyey sida uu u doonayo in labada dal ay u sameystaan xiriir iskaashi oo dhinacyo badan; kaasoo aan aamin-sanahay inuu muhiim u yahay Somalia oo u baahan dib u dhis iyo maal-gashi,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu intaa ku daray. “Haatan waxaan sameysmaya sharciyaddii maal-gashiga iyo is-kaashiga dhinaca dhaqaalaha, waxaanan gacmo furan kusoo dhaweynayaa shirkadaha iyo ganacsatada Hindiya inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya.’’

Dhanka kale, danjire Suchitra ayaa iyana dhankeeda sheegtay in adeegyada ugu horreeya ee ay Somalia ka caawin karaan ay ka mid tahay helista tamarka korontada, waxbarashada iyo in labada dhinac ay isla daraaseeyaan dhinacyada ay iska kaashan karaan.

Safiiraddu waxay intaa ku dartay in labada dal ay haystaan fursado ay ku abuuri karaan iskaashi mira-dhal ah oo shacabka labada dal ay ka manaafacaadi karaan.

20151114635830829636147769Xasan_Sheekh_Safiirka_India (4)Ugu dambeyn, xafladda waxaa goob-joog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Somalia, Dr. C/salaam Hadliye Cumar, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, Mahad Maxamed Salaad iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!