Madaxweyne Xassan Sheekh oo xalay Cadaado ku hoyday iyo shirar halkaa uga socda

by admin | Wednesday, Apr 15, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii shalay gaaray magaalada Cadaado, ayaa ilaa xalay halkaa kulamo kula lahaa mas’uuliyiinta maamulka Ximin iyo Xeeb, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobollada Galguduud iyo Mudug.

Shirarka madaxweynaha uu la lahaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta ayaa intooda badan looga wadda hadllayay qabsoomida shirka Xasan-Sheekhdhismaha maamulka gobollada dhexe oo qorshuhu ahaa in uu maanta si rasmi ah uga furmo magaalada Cadaado.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in maanta mar kale uu dib u dhaco shirka madaama wali halkaa ay gaarayaan ergooyinkii loogu talagalay shirka, islamarkaana mashquul lagu hayo soo xulista xubnaha loo qoondeeyay in ay shirkaasi ka qeyb-gallaan.

Waa safarkii ugu horeeyay oo uu madaxweyne Xassan Sheekh ku tago magaalada Cadaado tan iyo markii xilka madaxweynaha loo magacaabay.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!