Madaxweyne Xassan Sheekh oo xalay gaaray magaalada Dubai

by admin | Thursday, Oct 30, 2014

Dubai :HN :—Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray habeenimadii xalay magaalada Dubai ee dalka Isku taga imaaraadka Carabta.

Madaxewynaha markii uu ka dhoofayay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa ku sii sogootiyay mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka sidda guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari iyo ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Max’ed.

Madaxweynaha ayaa lagu waramayaa in uu magaalada Dubai ugu qayb-galayo shir weyne maanta ka furmay oo looga hadlayo arrimahaMadaxweyne Dhoof burcad badeeda Soomaaliya,waxaana shirka ka qayb-galaya sidoo kale madaxda maamullada ka jira dalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan beesha caalamka kuwaa oo ka hadli doono arrimo la xiriira shufta badeeda iyo sida loo cirib tiri karo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo shirkaasi looga hadlayo burcad badeeda Soomaalida iyo sidii wax looga qaban lahaa falalka afduubka ah oo ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya iyo biyaha caalamiga.

Bishii September ee sanadkii tagay ayaa shir midkan la amid ah lagu qabtay isla magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka, waxaana looga gonleeyahay in la soo afjaro dhibaataada kooxaha burcad badeedka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!