Madaxweyne Xassan Sheekh oo xalay gaaray magaalada Qaahir ee dalka Masar

by admin | Monday, Dec 29, 2014

Qaahira : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa habeenimadii xalay ka degay magaalada Qaahir ee dalka Masar.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Sii-hayayaasha Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Caddaaladda iyo Dastuurka, Maaliyadda iyo Tacliinta Sare.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaahira ku soo dhoweeyey Wasiirka Taclinta Sare eexasan-qaahira-1 Masar Dr Mohamud Abu Nasri, Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Cabdullahi Xasan Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ayaa la filayaa in maanta oo isniin ah ay kulamo ku yeeshaan qasriga Madaxtooyada Qaahira.

Labada madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud iyo madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Asisi  ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga u dhaxeeya.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmi doona Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Dr. Nabiil Al-carabi iyo mas’uul kale.

Booqashada Madaxweynaha oo qaadan doonta muddo labo cisho ah ayaa la filayaa in dib ugu laabto magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!