Madaxweyne Xassan Sheekh oo xalay la shiray Cumar C/rashiid Cali Shama’arke

by admin | Wednesday, Dec 17, 2014

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa lagu waramayaa in habeenimadii xalay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya uu shir gaar ah kula qaatay shaqsiga lagu waddo in loo magacaabo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Shirka oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen ayeey labada mas’uul ku kala war-qaadanayeen, iyadoo madaxweynuhu uu si gaar ah ugala hadlay Sharma’arke howsha xukuumadda hortaalla iyo magacaabista RW cusub.

Ilo wareedyo ku dhow madaxweynaha xaqiijinaya in laga yaabo in Xasan Sheekh uu xilka u magacaabo Cumar C/rashiid, inkastoo aanuMadaxweyne-Xasan-Sheekh-NEWS3 weli go’aan rasmi ah qaadan madaxweynaha Soomaaliya oo laga sugayo inuu ra’iisul wasaarihii bedeli lahaa ra’iisul waasarihii hore soo magacaabo.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in kulanka xalay ay qayb ka ahaayeen saaxiibbada aadka ugu dhow madaxweynaha, kuwaasoo aan magac ahaan loo xusin; iyadoo la sheegayo in dhammaan waxyaabihii laga hadlay ay isku afgarteen madaxweynaha iyo Sharma’arke.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku gudo jira soo xulista ra’iisul wasaarihii saddexaad ee uu magacaabo tan iyo markii xilka loo doortay oo ahayd dhammaadkii sannadkii 2012-ka.

Inkastoo aan la hubin haddana wararka qaarkood ayaa sheegaya in labada mas’uul ay kawada hadleen soo xulista golaha wasiirrada cusub, haddii xilka loo magacaabo Cumar C/rashiid.

Sharma’arke ayaa ah danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka, iyadoo wararka inta badan ay sheegayaan in loo magacaabi doono ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo la xusuusto inuu horay ra’iisul wasaare u soo noqday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!