Madaxweyne Xassan Sheekh oo xalay la shiray maamulka gobolka Banaadir

by admin | Tuesday, Sep 30, 2014

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa xalay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee degmada Huriwaa kula shiray mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, oo ay ka wadda hadlleen xaalada guud ee caasimada.

Kulanka waxaa ugu horeyn khudbad ka jeediyay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Xassan Max’uud Xusseen Muungaab oo madaxweynaha faah faahin dheeraad ah ka siiyay xalaada guud ee gobolka Banaadir, isag aoo sheegay in caasimada Muqdisho ka gudubtay sidda uu hadalka dhigay xiligii fowdada iyo nabad-galyo xumada.

”Mudane Madaxweyne magaalada Muqdisho waxa ay soo martay marxalado kala duwan, laakiin haddana caasimada waxaa ay uIMG_43151 muuqataa mid cagta saartay wadadii nabad-galyada, waxaana taa ka marqaati kacaya halka aynu caawa ku shireyno ee degmada Huriwaa ayuu yiri,” Muungaab.

Waxaa uu intaa ku darray guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir in isbadalka ka jira caasimada la oran karo waa mid ku timid iskaashi dhab ah oo dhaxmaray maamulka gobolka ciidamada iyo bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir oo si guud uga wadda shaqeeyay nabad-galyada,.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo ka hadllay kulanka ayaa ku amaanay maamulka gobolka Banaadir iyo ciidammada sidda ay ugu dhabar adeygeyn marxalada adag oo ay wajahayaan, gaar ahaan nabad ku soo celinta magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ku tilmamay degmada Huriwaa in ay waqti ahaan jirtay meel laga soo abaabulo falalka amaan darro ee ka jira caasimada, laakiin xiligan la oran karo waa mid ka gudubtay arrintaa iyada ah.

Waxaa ugu ugu danbeyntii kula dardaaray maamulka gobolka, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ciidammada intaba in ay halkooda ka sii waddaan iskaashiga iyo waliba dadaalka ay ugu jiraan siddii dib loogu soo nooleyn lahaa maqaamkii ay laheyd Muqdisho.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!