Madaxweyne Xassan Sheekh oo xalay shir gudoomiyay kulan deg deg oo ammniga looga hadlayay

by admin | Saturday, Feb 21, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa xalay shir guddoomiyaha kulan deg deg ah oo ay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku yeesheen xubnaha gollaha wasiirrada kaasoo looga wadda hadllay xaalada ammniga dalka, gaar ahaan qaraxii shalay ka dhacay hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

Kulankaan deg-degga ah ayaa lagu dhisay guddi wasiirro ah oo ka kooban, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga,20152216356007944315865951 Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si ay uga howlgalaan taakuleynta dadka ay waxyeelladu soo gaartay.

Dhanka kale, waxaa la dhisay guddi amni oo hormuud ka yihiin, Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga, kaasoo baaritaanno kusoo sameynaya weerarradaas iyo ciddii fududeysay, si loo qaado tallaabooyin.

Tira koob ay dowladda soo saartay ayaa la sheegay in ay weerarkaas ku dhinteen 25 ruux, halka siddoo kalana ay ku dhaawacmeen ilaa 40 ruux.

Ugu dambeyn, xubnaha kulanka yeeshay ayaa sheegay in falkaas uusan wiiqi doonin kal-soonida shacabka iyo dawladda, lagana shaqeynayo sidii loo gaarsiin lahaa dalka nabad iyo horumar, loona cirib-tiri lahaa argagixisada.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!