Madaxweyne Xassan Sheekh oo xariga ka jiray Bank heer calaami ah

by admin | Saturday, Oct 11, 2014

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa maanta xariga ka jaray International bank of Somalia (IBS) kaas oo ku shaqeyn doona shuruucda u yaalla Bankiyda caalamiga ah.

Munaasabad xariga looga jarayay bankigan oo ka dhacday xaruntiisa ugu weyn oo ku taalla degmada Xamarweyne ee gobalka Banaadir ayaa waxa goob joog ka ahaa, Gudoomiye xu-xigeenka Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Wasiiru dowlaha Maaliyada, wasiirka dib u dhiska, Hey’ada Culimada Soomaaliyeed, gudoomiyaha gobalka Banaadir, rugta ganacsiga Soomaaliyeed, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Bankiga oo ah Banki Islaami ah ayaa ka hor inta aanu Madaxweynaha uusan khudbad ka jeedin waxaa lagu soo wareejiyay qeybaha uu ka kooban yahay Bankigan casriga ah.

Mas’uuliyiintii ka hadashay xaflada waxa ay ku amaaneen ganacsatadii furtay Bakigan oo Soomaali ah in ay yihiin kuwa ku dayashabankiga-ibs-8 mudan, maadaama ay keeneen bankigii ugu horeeyay ee qaab caalami ah u shaqeynaya.

Ugu horeyn waxaa munaasaba ka hadlay maamulka guud ee IBS kaas oo sheegay in Bankiga abaabulkiisa ay lahaayeen Ganacsata Soomaliyeed, isla markaana uu la jaan qaadi doono habka caalamka, isaga oo daaha ka rogay in Banku uu leeyahay “swift code” oo ah habka ay ku xariiraan bankiyadu.

Waxa uu intaa raaciyay in ruuxii lacagtiisa dhigta uu faa’iido ku helayo, sidoo kalana bankigu uu LC u sameyn doono ganacsatada, uuna xoogga saari doono,  hurumarinta ilaha dhaqaale ee dalka sida beeraha iyo xoolaha uuna sameyn doono maalgelin mashruucyada loola yimado hadii ay ahaan laheyd mid shaqsi wato ama shirkad, sidoo kalana uu hir geli doono waxa  loo yaqaanno “Micro Finace” si dadka danta yar fursado ay u helaan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay maalgashiga dalka, isla markaana ay garteen ganacsatada in hantidooda ay dalka keenaan, bedelkii ay dalal kale geyn lahaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya oo munaasabada kajeediyay khudbad dheer ayaa waxa uu ku booriyay Soomaalida lacagtoodu taallo bankiyada caalamka in ay u soo dhiibaan Bankigan cusub, si bankiga ay ugu sahlanaato in  uu maalgelin dalka ku sameeyo.

Soomaaliya oo ay horay uga jireen bankiyo iyo xawaalado ayaa waxa uu u baahnaa banki caalami ah, maadaama bankiyadii hore ay ku  koobnaayeen oo kali ah gudaha dalka oo aysan awoodin in ay u gudbaan dunida inteeda kale.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!