Madaxweyne Xassan Sheekh QM kala hadllay hiigsiga 2016-ka

by admin | Tuesday, Apr 7, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya danjire Nicholas Kay.

Xasan Shiikh iyo danjire Nicholas Kay ayaa kawada hadlay horumarka laga sameeyay barnaamijiyada Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya, dhameystirka dhismaha maamullada gobollada dalka, nabadgelyada, tababbarka ciidamada dalka iyo adeegyada kale ee bulshada.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyey sidii maamul loogu sameyn lahaa gobollada dhexe, iyadooKey_iyo_Xasan_Sheekh_Muqdisho gobollada kale ee dhimanna hawshooda dhawaan la guda-geli doono.

Danjire Nick Kay ayaa isna soo dhaweeyay horumarka laga sameeyey dhismaha guddiyada madaxa-bannaan ee ku hawlan barnaamijyada Hiigsiga 2016-ka ee Somalia, isagoo xusay in xoghayaha guud ee QM iyo beesha caalamka ay mar walba diyaar u yihiin taageerada dowladda federaalka ka ah ee Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!