Madaxweyne Xassan Sheekh” rajo wanaagsan ayaan ka qabaan wadda hadallada Somaliland

by admin | Monday, Dec 22, 2014

Muqdisho : HN :- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kaddib kulan uu dalka Jabuuti kula soo qaatay madaxweynaha maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in uu rajo badan ka qabo miro dhalka wadda hadallada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa intaa ku drray in Feberaayo 2015-ka dib loogu laaban doono magaalada Istanbul, si wadahadalladii hore loo billaabo, isagoo xusay in tani ay tahay horumar weyn oo ay isla garteen isaga iyo Siilaanyo.

Waxaa uu xusay Xassan Sheekh in Soomaaliya ay dhismayso horumarro bandanna la gaaray, isla markaana 2015-ka uuMadaxweynaha_Soomaaliya_Dagaallo_1 rajeynaayo in la arko dalka Soomaaliya oo dib u midoobay.

“Heshiiska waxaa ka mid ahaa in wadahadallada halkoodii laga sii wado oo dib loogu laabto Istanbuul sannadka 2015-ka, waxaa rajeyneynaa inuu noqdo sannadkaas horumar badan laga sameeyo arrinta midnimada dalka,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay inay muhiim tahay in arrinta masiiriga ah laga wadahadlo, isla markaana ay kasoo baxdo marka la wada fariisto natiijo wanaagsan.

Si kastaba ha ahaatee, wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo 2012-kii soo billowday ayaa waqti dheer qaatay, iyadoo aan illaa hadda horumar la gaaban karo laga gaarin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!