Madaxweyne Xassan Sheekh” shacabka dulqaad ha muujiyaan inta uu socdo shirka IGAD

by admin | Friday, Jan 9, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi shaaca uga qaaday in maalinta berri uu ka bilaaban doono magaalada Muqdisho shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaliyeed inay dulqaad muujiyaan.

Khudbad uu Madaxweynaha ugu tala galay shacabka oo laga sii daayay Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda ayuu sheegay inay soo socoto munaasabad qiimo weyn ah oo muujineysa sumcadii iyo heybadii ay laheyd Soomaaliya oo dib u soo noqoneyso.

“Waxaa rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u sheego in munaasabad weyn oo qiimo leh inay Muqdisho ka dhaceyso oo ahMadaxweyne-Xasan-Sh-Max1 shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD, waxaa ka codsanayaa shacabka in meelaha qaar isu socodka haduu uu dhib noqdo in loo dulqaado, amniga si loo toosiyo ma ahan in dadka Soomaaliyeed la dhibo oo culeys la saaro, ee waa wax sumcadeena iyo sharafteena ku jirta”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ay caawa si nabadgelyo ku jirto uga hoyan doonaan Muqdisho, kuna shiri doonaan magaalada Muqdisho, isagoo mar kale ugu baaqay shacabka inay ilaaliyaan heybada iyo sharafta Soomaaliyeed.

“IGAD waxay marti u tahay dadka soomaaliyeed iyo qaranka soomaaliyeed cid gaar ah marti uma ahan, waxaa nagala rabaa dulqaad aan muujino aan kala shaqeyno dowladda howlaheeda kala duwan iyo ciidamada amniga, si xoogan ayay isbuucii la soo dhaafay howl adag ugu jireen sidi amniga loo sugi lahaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku celiyay inay dadka dulqaadaan mudada 24-saac ee uu shirka socdo, isagoo xusay in bisha Janaayo ay magaalada imaan doonaan wafuud caalami ah, isla markaana shirar kale oo ka weyn shirkan ka dhici doono sida uu yiri.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray wadooyinka ugu muhiimsan magaalada, sida wadada Maka Al-Mukarama ilaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde, waxaana maalinta berri ka dhici doona Caasimada shirka wasiirada arrimaha Dibada IGAD, kaasoo ah markii u horeysay muddo 25 sano ka badan oo lagu qabto Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!