Madaxweyne Xassan Sheekh” Shirka Cadaado waxaa ku dhismaya maamul la mid ah maamulada kale

by admin | Friday, Apr 17, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo ka hadllay shirka ka furmay magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in shirkaas uu ka filanayo maamul la mid ah maamulada kale ee dalka ka jira.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadllayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in gogosha Cadaado fidsan ay ka soo bixi doonto Maamul KMG ah oo la mid ah maamulada dalka ka jira.

“gogosha taal Cadaado, waxaa loo dhan yahay, waxaa ku dhan dhamaan dadka dega gobollada dhexe, waxaana ka soo bixi doona madaxweyne-xasan-sheikhMaamul KMG ah oo la mid ah maamulada hada jira”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka ee Gobollada Dhexe inay sii wadaan howlaha dib u heshiisiinta, waxaana uu xusay in dhamaan wixii shirkaas ka qeyb galaya ay matalayaan dadka ku nool Gobolladaas sida uu yiri.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu dalka Turkiga uga gudbi doonaa dalka Jordan, kadib markii uu casuumaad ka helay boqorka dalkaas.

Shirka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu doorto madaxweynaha maamulka gobollada Dhexe, waxaana u taagan musharaxiin dhowr ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!