Madaxweyne Xassan Sheekh” shirka maamul u sameynta gobollada dhexe Cadaado ayuu ka furmayaa

by admin | Wednesday, Apr 8, 2015

Dhuusa-mareeb : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa maanta isaga oo ku sugan degmada Dhuusa-mareeb ku dhawaaqay shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe ee ka kooban Galguduud iyo Mudug uu ku furmayo magaalada Cadaado 11 bishan aynu ku jiro ee Abriil.

Madaxweyna Xassan Sheekh ayaa dhinaca kale sheegay in caasimada dowlad gobolleedka ka dhismi doona gobollada dhexe ay noqoneyso degmada Dhuusa-mareeb.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in shirka dib-u-hishiisiinta ka soconaya Dhuusa-mareeb maanta ku eg-yahay, wixii haddaXasan_Sheekh_Cadaado_Dhuusomareeb_Somalia_HOL ka danbeeyana laga doonayo in ay ergada u kicitimaan magaalada Cadaado ee la fillayo in uu shirka ka furmo.

“Anigoo wakiil ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, waxaan ku dhawaaqayaa maanta in shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe uu 11-ka bishan oo ku beegan Sabtida soo socota uu ka furmi doono degmada Cadaado,” ayuu yiri Xasan oo ka hadlayay Dhuuso-mareeb.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta uu manta ku eg-yahay, maalinta Sabtida ah oo ay laba casho naga xigtana la isugu imaanayo Cadaado si shirka qaybtiisa kale looga furo.

Madaxweynuhu wuxuu dhanka kale ku baaqay in dib u heshiinta iyo is-qadarinta beelaha deegaanku ay tahay howl u baahan in lasii wado ; isla markaanka lasii horumariyo. iyadoo go’aanka uu madaxweyne Xasan ku dhawaaqay ay sacab kusoo dhaweeyeen dadweynihii ku sugnaa madasha uu madaxweynuhu hadalkan ka jeediyay.

Inkastoo tallaabadan ay noqonayso mid soo afjaraysa khilaaf in muddo ah ka taagnaa halka lagu qabanayo shirka lagu dhisayo maamulka Mudug iyo Galguduud, ayaa haddana waxaa soo baxaysa cabasha ay qabaan xubnaha maamulka Ximan iyo Xeeb.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay inaysan ku qanacsanayn in Dhuuso-mareeb ay noqoto caasimadda maamulka la dhisayo, iyagoo sheegay in uu u socdo shir ay arrintan uu ku dhawaaqay madaxweynuhu kaga tashanayaan.

Si kasta ha ahaatee, madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in uu booqdo degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ka soo bixi kara mas’uuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb,

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!