Madaxweyne Xassan Sheekh” shirkadaha ganacsiga waa in ay qeyb ka qaataan hanaanka dowladnimada

by admin | Friday, May 22, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa ku war-galiyay shirkadaha ganacsiga ee dalka ka jira in ay ka qeyb-qaataan hirgelinta hannaanka dowliga ah ee dalka ka soconaya.

Madaxweynaha ayaa intaa ku darray dalka hormar badan ka jiro, waxaa soo badanaya ayuu yiri shirkadaha,xawaaladaha ganacsiga,  iyo bangiyada  gaarka loo leeyahay, sidda daraadeed looga baahan yahay in laga dhex arko doorka iyo taageerada ay dowladda ay siinayaan.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay shirkadaha ganacsiga iney gacan ka geystaan xoojjinta hay’adaha dowladda islamarkaana ay dowladaha hoose kammama caawiyaan diiwaan gelinta dadka si loo aqoonsado dadka lacagaha ka qaadanaya xawaaladaha Soomaalida.

“Waxa nalaga rabaa waxeey tahay nidaamkii dadka diiwaan-gelintii iyo dekomintiga dadka lagu aqoonsado iyo raad raac nidaam kaasoo dhan oo naga maqan oo ay ugu horeeyaan ID kaariskii dadka lagu aqoonsanayay, teestarayaashoodi in qof kastoo Soomaaliya la dhihi karo qofkaasi waa hebel hebel meeshaasuu ku dhashay da’diisu waa intaas, haddii aanan intaasi soo gaarin waa dhibtooneynaa” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ dowladdu marka haddii dhaqaale waxaas ay ku kala soconsiiso aysan helin wax ma qaban karto, marka Bangiyada iyo xawaaladaha waxaa laga rabaa ineey nidaamka dowladda maalgeliyaan.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay xaflad uu ku furayay bangi cusub oo bixinaya adeegyo casri ah, kaasoo ay Muqdisho ka hirgeliyeen ganacsato Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii, marka la eego adeega xawaaladaha oo ah ganacsiga ugu ballaaran ee dalka ka jira, madaama ay ku tirsan yihiin maalaayiin Soomaali ah oo dalka dibadiisa lacago looga soo dirro, ayaa haddana waxaa muuqata in caalamku hadda shaki galinayo cida dhab ahan lacagtaasi qaadata.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!