Madaxweyne Xassan Sheekh” Soomaali laguma eedeyn karo wixii ka dhacay jaamacada Gaarisa

by admin | Tuesday, Apr 7, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa ka fogeeyay Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya in ay wax lug ah ku leeyihiin weerarkii dhawaan Jaamacada magaalada Gaarisa qaadeen xoogag la sheegay in ay ka tirsnaaayeen Al-shabaab.

“Waxaan is leeyahay taasi ma’aha mid run ah, qofkii warkaas yirina ma garanayo dhaqanka Al-Shabaab,” ayuu yiri Maxamuud oo intaas ku daray. “Mid ka mid ah dadkii ka fuliyay weerarka Jaamacadda Gaarisa waxaa dhalay sarkaal Keenyaati ah; taasina waxay tusaale u tahay inuusan ahayn qof ka yimid xeryaha ku yaalla Dhadhaab. Anigu ma aaminsani inay xiriir leeyihiin qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dhadhaab iyo argagaxisadaa.”

Madaxweynaha Somaaliya waxaa kaloo uu xusay in darbiga laga dhisayo xuduudda 680-km ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya uuMadaxweyne-Dawlada-Federaalka-Soomaaliya2 yahay mid aan macno badan sameynayn.

“Annagu waxaan la dagaalamaynaa fikirka Xarakada Al-shabaab. Qorsahaha ugu weyn ee aan wadanan ma ahan mid milateri oo keliya,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray.”Marka darbi la dhiso ma celin karo fikirka Al-shabaab. Sidaa awgeed xukuumadda Kenya si cad nooguma sheegin qorshahan, balse hadii ay sameynayaana, waxaan la wadaagi doonnaa waayo-aragnimadeeda ku saabsan arrintan. Mana rumeysanin in darbi uu joojin karo cadaawadda Al-shabaab.”

Dhanka kale, madaxweyne Xasan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday Jaamacadda Gaarisa, kaasoo ay ku dileen 148-qof, ka hor intii aysan ciidamadu dilin kooxihii weeraray.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan ayaa been abuur iyo wax aan jirin ku tilmaamay hadal ku aaddan hadalkii afhayeenka guud ee Al-shabaab ee ahaa in weerarkaas uu ahaa mid ka dambeeyay dhibaatooyinka ay ciidamada Kenya ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Somalia. Isagoo xusay inay uga mahad-celinayaan xukuumadda Kenya iyo shacabkooda taageeraday ay Soomaaliya siiyeen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!