Madaxweyne Xassan Sheekh” Soomaaliya waxa halkan dhigay waa siyaasad xumo

by wadani | Thursday, Dec 10, 2015

Muqdisho : HN : –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee maanta Soomaaliya heysta tahay siyaasad xumo, isaga oo intaa ku darray in dowladiisa ka shaqeyn doonto siddii ay siyaasad salka ugu dhigi laheyd.

“Dhaqanka siyaasadeed ee aan hadda abuurno waaye kan  ay berri Soomaaliya u aayi doonto, waxaan rabnaa nidaam iyo dhaqan dowladnimo oo qurux badan oo wanaagsan abuurkiisa inaan maanta ku ridno dhulka, si mirihiisa kuwa naga dambeeya ee beri imaan doona ay u gurtaan”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waqtiga ugu badan ee ay geliyaan kulamada wada tashiga siyaasada uu yahay sidiiHassan_Sheikh_Somalia_President ay siyaasada u hagaagin lahaayeen.

“Siyaasada wax walba wey dhibtaa, hadii siyaasada inaan ku mashquulno oo aan waqtiga inta badan aan gelino la arko, waxaa rabnaa in naloo cudur daaro, waxaa aaminsanahay siyaasada hadaanay hagaagin wax kaloo dhan ma hagaagayaan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligii bur burka uu dhacayay uu dalku lahaa Ciidan gaarayay labo boqol oo kun, taangiyo, hub iyo diyaarado dagaal, waxaana uu xusay in bur burkaas uu sabab u ahaa siyaasad xumo.

“Dallaam waxaa halkan dhigay waa siyaasad xumo, ciidan la’aan ma ahan maalintii bur burka uu dhacayay 200 kun ciidan ayaa laheyn oo taangiyadooda, gantaaladooda iyo diyaaradahooda dagaal u dhamaan, wax walbana waxaa lagu celin karaa siyaasada oo la hagaajiyo, waana sababta aan siyaasada xooga u gelineyno, wada tashigana aan wadno oo ah sidii siyaasada loo hagaajin lahaa”ayuu mar kale yiri.

Ugu danbeyntii, dowladda Soomaaliya ayaa la filayay sanadka 2016 inay gaarsiiso doorasho qof iyo cod, hase ahaatee is qab qabsi siyaasadeed oo hareeyay, iyo waxyaabihii laga rabay inay fuliso ka hor 2016 ayaa sabab u noqday inay suura geli waayeen doorasho qof iyo cod, waxaana lagu wadaa in kulamada wada tashiga socda laga soo saaro nooc doorasho oo dalka ka dhaca sanadka soo socda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!