Madaxweyne Xassan Sheekh” Soomaaliya waxaa ay u baahan tahay dib-u-dhis mihnado kala duwan

by admin | Friday, Jun 5, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya, Xassan Sheekh Max’uud ayaa sheegay inay wali jiraan baahi ku aadan kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Xasan waxuu ku baaqay dowladiisa inay u bahan-tahay sidii looga taageerri lahaa dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo hirgelinta xarrumo lagu barto mihnadaha kala duwan, si taasi ay gacan uga geysato dib u soo kabashada dhaqaalaha, shaqo abuurista iyo sugidda amniga.

Madaxweynuhu waxuu sheegay in muhiim tahay iskaashi dhexmara dowladaha taageerra Soomaaliya si loo oggaado baahida ka jirtaMadaxweyne-Dawlada-Federaalka-Soomaaliya2 dalka oo u xilligan dhaqaalaha iyo ammaanku ugu horreeyo.

Waxuu ammaanay dalalka gacanta siinaya dowladiisa oo u Marekanka ka imid yahay,xilliga oo u la shiray Tina Kaidanow oo ah xiriiriyaha hawlgallada la dagaallanka argagixisada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

“Horumar badan ayaan ka sameyney dhinacyada siyaasadda iyo nabadgelyada, waxaana dooneynaa in Mareykanka iyo waddamada kale ee Soomaaliya taageera ay yeeshaan iskaashi dhow oo fududeyn kara taageerada ay siiyaan Soomaaliya’’, ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa la sugaya ina dalka ka dhacdo doorasho dhammaadka sanadka 2016,balse ka hor ayaa dowladda hadda jirta waxaa laga doonaya inay xoojiso ammaanka korna u qaado dhaqaalaha si loo helo cimilo sahlaysa doorasho ay shacabku wax dooran karaan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!