Madaxweyne Xassan Sheekh” waan soo dhaweynayaa in Jabuuti marti-galiso shirka wadamada…..

by admin | Wednesday, Sep 30, 2015

New York : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa soo dhaweeyay dowladda Jabuuti marti-galiso  shir madaxeed gaar ah oo dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kana tirsan hawlgalka AMISOM ay isugu yimaadaan magaalada Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay kulan gaar ah oo madaxda waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, ku yeesheen magaalada2015929635790964276245011Shirkii_Arrimaha_Somalia_ee_New_york (1) New York, kaasoo lagu falanqeeyay qaabka ugu wanaagsan ee la isugu dubbaridi karo hawlgalada milatariga iyo xasilinta ee ay wadajirka u fulinayaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Africa (AMISOM).

“Waxaan walaalaheena Afrika uga mahad celineynaa dadaalka ay naftooda inoogu hureen, iyagoo gacan ka geysanayaa qorshaha nabad raadinta ee dowladda. Aad baan ugu ammaanayaa dadaalkooda geesinimada leh. Waan soo dhoweynayaa shir madaxeedka uu soo jeediyay walaalkey Ismaaciil Cumar Geelle, si aan horey ugu sii wadno wadatashiga aan halkan ka bilowney ee lagu tayeynayo hawlaha AMISOM, isku dubbaridka wadashaqeynta ay la leeyihiin Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo in la bilaabo diyaar garowga ka bixintaanka AMISOM ee Soomaaliya, si ciidammo Soomaaliya ay leedahay ay hawsha ula wareegaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

“Waa inaan xaqiijinaa dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo si tayo leh u shaqeynaya, baahidooda si wanaagsan loo daboolo, taageersanna rabitaanka nabadda ee shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo gacan ka geysan doona nabadda iyo xasiloonida Geeska iyo Bariga Afrika.Wadashaqeynta iyo talooyinka waddamada ciidanka noogu deeqay waa u muhiim qorshahan aan leenahay. Waxaan rajeynayaa in taageeradiina ay qeyb ka noqon doono Soomaaliyada cusub ee aan dhiseyno oo mabda’a uu ku shaqeynayo lagu saleynayo nabad iyo xasilooni” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiinta kale ee ka hadashey shirkan ayaa ku booriyey beesha caalamka inay taageeraan dhismaha ciidan qaran oo tayeysan oo Soomaaliya ay yeelato, si ay gacan uga geystaan amniga gobolka iyo kan caalamka.

Ugu danbeyntii kulan madaxeedka la soo jeediyay ee waddamada ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu dhammaadka bisha October ka dhaco magaalada Jabuuti.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!