Nicholas Kay” beesha caalamka waxaa ay doonayaan wadda shaqeynta madaxweynaha iyo RW

by admin | Wednesday, Nov 19, 2014

 Copenhagen : HN :–Wakiilka gaar ah ee xog-hayaha guud ee QM ayaa markii ugu horeysay ka hadlay in beesha caalamku ay kasoo horjeedo mooshinka ka dhanka ah Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh.

Nicholas Kay oo waraysi dhinacyo badan taabanayey siiyey Laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in taasi tahay mid sax ah  ayna door bidayaan midnimo,xasilooni iyo waxqabad taasoo uu u sababeeyey in wakhti uusan harin xiligaan.

”’Waa sax waxa aan door bideyno waxa weeye midnimo ,xasilooni iyo waxqabad sababtu waxa weeye ayuu yiri wakhti maharin sida hada ka hor aragnayna Isbadel lagu sameeyo Raysalwasaaruhu waxay qaadataa waanwaan socota bilooo ku saabsanDowladda cusub”’ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya uusan wakhti ka go’in ,waxa uu yiri labada dhinacanagu midna ma raaceyno dhinaca keliya aanNICLOS taageereyno waxa uu yiri horumarka iyo in horumar degdeg ah laga sameeyo nabada iyo dhismaha dowladnimada.

” Mana naga go’ wakhtigaasi  sidaasi darteen iyadoo la eegayo  hiigsiga sanadka 2016-ka xasilooni,midnimo,waxqabad ayaa ah xalka ugu wanaagsan sida cadna hay’adihii dawladu waa dhisanyihiin””ayuu yiri

Sidoo kale,wuxuu xusay iney aaminsanyihiin iney ka mideysanyihiin walaaca ay ka qabaan saameynta khilaafka uu ku yeelan karo horumarka dhismaha wadanka iyo nabada iyo weliba hiigsiga 2016.

”’Beesha caalamka ilaa haatan aad ayey uga mideysanyihiin arrintan ,qaramada midoobey waxay si dhow ula shaqeyneysay ayuu yiri wadamada iyo hay’adaha kale sida mIdowga Yurub,IGAD iyo Mdiowga afrika.”’ayuu yiri.

Dhanka kale Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nick Kay,waxa uu sheegay in shirkan Copenhagen uu fursad u yahay in la qiimeeyo qodobadii lagu guuleystay isla markaana la dardargeliyo waxa dhiman.

”’ Kulankan maahan mid dhaqaale lagu uruurinayo ,waa kulan lagu qaadaa dhigayo waxa ka dhaqangalay balanqaadyadii loo sameeyey Soomaaliya waana muhim inaan sii wadno kordhinta hufnaanta waxqabadka….”’ayuu yiri.

Beesha calaamka aya marar badan waxaa ay ku cel celiyeen in la dhameeyo khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, waxaana muuqata in aysan ku qanacsaneyn in uu xafiiska ka tago ra’iisal wasaare C/wali.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!