Madaxweyne Xassan Sheekh” wadda shaqeynta hay’addaha dowladda waa muhiim

by admin | Wednesday, Feb 11, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in ay muhiim tahay wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda, isagoo xusay in wadajir dalka lagu gaarsiin karo nabad iyo horumar.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad casho oo uu raysul wasaare Cumar Cabdirashiid xalay uXasan-Sheekh-kulan-casho sameeyay xildhibaannada baarlamaanka, oo ay ka qeyb galeen guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, qaar ka tirsan Wasiirrada cusub iyo masuuliyiin kale. .

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay mudanayaasha baarlamaanka howlaha ay qabteen muddadada uu jiro baarlamaanka federaalka, wuxuuna ku dhiirrageliyay dhammeystirka iyo ka shaqeynta sidii dalka looga gaarsiin lahaa hiigisga 2016-ka.

Raysul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa mudanayaasha baarlamaanka ugu mahadceliyay anisixinta golihiisa wasiirrada, isagoo ku ammaanay qaabka ay ugu doodaan meel marinta qorshayaasha la horkeeno baarlamaanka, iyo guud ahaan howlahooda shaqo.

Wuxuu tilmaamay in xukumaddiisa ay ku shaqayn doonto siyaasad xasilloon ,wadatashi  iyo dawlad wanaag, isagoo ka codsaday baarlamaanka inay la shaqeyaan xukuumadda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!