Madaxweyne Xassan Sheekh oo wali aan go’aan ka gaarin cidda uu ra’iisal wasaare u xulinayo

by admin | Sunday, Dec 14, 2014

Muqdisho : HN :– Ku dhawaad ama ka badan labo todobaad ayaa hadda laga joogaa markii ay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida kala noqdeen xukuumadii uu hogaaminayay ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed, waqtigaas oo la faray madaxweynuhu in uu sidda ugu dhaqsiyaha badan u soo magacaabo ra’iisal wasaarihii badalli lahaa Cabdiwali.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa tan iyo wixii waqtigaa ka danbeeyay ku jiray la tashiyo uu la lahaa xildhibaannada baarlamaanka, siyaasiyiin, iyo waliba ragga saaxibada dhaw la ah ee ka tirsan dowladda, kuwaa oo dhamaatood uu kala tashanayay cidda ay tahay in uu u soo xusho ra’iisal wasaare la shaqeeya mudada labada sanno ah ee dhiman.

Inkastoo latashiyadu yihiin kuwo dhinacyo badan ayaa haddana madaxweyne Xassan Sheekh waxaa uu si gaar ah arrintan uga xog-wareysanayaa siyaasiyiinta ku aragtida ah ama ay ka wadda tirsan yihiin urur diimeedka madaxtooyada caanka ah ee [Damjadiid] kuwaa oo doonaya in meesha la keeno ra’iisal wasaare u hogaansan mar walbana ku shaqeyn kara rabitaankooda siyaasadeed.

Laakiin haddana waxaa adag in shaqsiga noocaas la soo hello, madaama siyaasi kasta marka xilka loo dhiibayo uu u muuqdo shaqsiXassanoke hogaansan, laakiin mudo kaddib laga yaabo in xaalku si kala isku badallo.

Waxaa iyadana xusid mudan in madaxweyne Xassan Sheekh uu jahwareer faro badan ka qaaday rag ay kala wataan siyaasiyiinta iyo xildhibannada ku jira baarlamaanka ee la safnaa waqtigaa la ridayay ra’iisal wasaare Cabdiwali, kuwaa oo koox walba ay dooneyso in madaxweynuhu ra’iisal wasaare u magacaabo shaqsiga ay farta ugu fiiqaan.

Xogta hoose ee madaxtooyada Soomaaliya laga hellayo ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda ay miiska saaran yihiin loogana baahan yahay in uu madaxweynuhu kala xusho ragga kala ah Xusseen Cabdi Xalane, Cumar Cabdirshiid Cali Sharmar’ke, Nuur Bidaar, iyo C/qaadir Cabdi Xaanshi.

Raggan laftirkooda waxaa mid walba oo ka mid ah gadaal ka taagan siyaasiyiin galaan-gal wanaagsan ku leh xarunta madaxtooyada siweynna ugu dhaw madaxweynah, lamana oga ugu danbeyntii shaqsiga uu madaxweynuhu u soo xulan doono ra’iisal wasaaraha saddexaad oo laftirkiisa aan la hubin sidda ay u sii wadda shaqeyn doonaan Xassan Sheekh.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!