Madaxweyne Xassan Sheekh waxaa jira dad ka soo horjeeda hormarka Soomaaliya

by admin | Monday, Apr 13, 2015

Madaxweyne-Dawlada-Federaalka-Soomaaliya2Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo diidan horumarka Soomaaliya,sida uu ka sheegay munaadabad Muqdisho lugu qabtay.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay dadka diidan horumarka dalka inay yihiin kuwa ay maskaxda ugu jirta qabiilka,isagoona tilmaamay in loo bahan-yahay Soomaalida inay oggaadan waxa dib u dhigaya.

“Dad badan ayaa ku ordaya qabiilka oo ah midka halkan na dhigay,waxay diidan-yihiin horumarka dalka uu gaaro iyagoo reer hebel dhahaya,taas ma aha inan wali ku sii jirno,”ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Waxuu sheegay madaxweyne Xasan in dadkaas ay yihiin kuwo aan ogoleyn in dalka uu gaaro hormar iyo kala dambeyn islamarkaana ay doonayaan in aan kala dambeyn uusan dalka helin.

“Dalka Soomaaliya waxaa uu hadda marayaa meel wanaagsan dad dano gaar ah iyo kuwo qabiil wadda ma hor istaagi karaan hormaka ay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay cagta saareen”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha waxuu sheegay dowlada uu hoggaamiyo inay dadaal ku bixinayso sidii loogu qancin lahaa dadka Soomaaliyeed inay ka gudbaan qabiilka iyo wax kasta oo dibu dhac keenaya. Soomaaliya oo 24 sanno dowlad xooggan aysan ka jirin ayaa waxaa arrinta loo sababeeya inay tahay dadka oo wali aaminsan awooda qabiilka,kuwaas oo hor istaagaya inay dhalato dowlad xooggan oo ay ka soo muuqdan Soomaalida oo dhan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!