Madaxweyne Xassan Sheekh” xiriir taariikhi ah ayaa u bilaawday dowladdaha Somalia iyo Itoobiya

by admin | Thursday, Feb 19, 2015

Addis Ababa : HN :– Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta kumanaan shacabka Itoobiya ah khudbad ugu jeediyay garoonka ciyaaraha ee magaalada Mekelle, halkaasoo ay ka dhacday munaasabad lagu xusayay 40-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF) oo qayb ka ah is-bahaysiga EPRDF ee haya talada dalka Itoobiya.

Xasan Sheekh ayaa khudbaddiis arrimo badan kaga hadlay isagoo shacabka Itoobiya ugu hambalyeeyay xuska oo uu sheegay inay tahay maalin wax weyn ka bedeshay taariikhda Itoobiya.

‘’Maanta waa maalin weyn oo aad u qiimo badan. Ururka TPLF taariikh muhiim ah ayuu qoray. TPLF iyo EPRDF waxay qaadeen tallaabooyin ay is-beddelo wax ku ool ah uga dhalinayaan Itoobiya, taas ayaana keentay inay dhisanto Ethiopia cusub oo ay mudan tahay inay ku daydaan dalalka kale ee Afrika si loo higsado horumar dhan kasta ah oo qaaradda ay gaarto,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu xusay in Itoobiya iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir qoto-dheer, walow waqtiyo adag lasoo maray,IB0A8953-620x264 balse haatan uu bilowday bog cusub oo waxtar u leh shacabka labada dal.

“Wax walba oo aan horey u soo marnay maanta waxaan mar kale hortiina ka caddeynayaa in bog cusub oo taariikhda labada dal iyo shacabkooda uu inoo furmay. Waxaan mar walba ka shaqeyn doonaa xoojinta iskaashi dhan kasta oo dhex-mara labada dal, sida xasiloonida gobolka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo wax walba oo sii adkeyn kara derisnimadeena,’’ ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dadka Itoobiya iyo madaxda kale ee goob-joogga ka ahaa munaasabadda uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya oo u sheegay in dhabbada la saarey adkeynta dowladnimada, amniga iyadoo hadafka la leeyahayna uu yahay dhismaha Soomaaliya cusub oo dimoqraadi ah, nabad ah, kaalinna ka geysata nabaddda iyo horumarka gobolka Afrika inteeda kale.

“Itoobiya nasiib ayay heshay… waayo 1991-kii markii ay rideen dowladdii ka talinaysay dalkooda waxaa u baryay waa cusub oo horumarka ay maanta gaareen ay ka marag u tahay. Annagase ridistii taliskii hore waxaa xigay dagaallo sokeeye iyo fowdo. Xaaladdaas waan ka gudubnay, wax badan ayaana qabsanay. Dalalkii wiilashooda iyo gabdhahooda ay nafta u hureen si dhibaatada aan uga baxno waxaa ka mid ah Itoobiya, si weyn ayaana uga mahadcelinayaa,’’ ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa madaxda caalamiga ee lagu martiqaaday xuskan weyn ee billowgii dhaqdhaqaaqa is-beddel-doonka iyo dimuqraadiyadda Itoobiya, ayaa sheegay in shacabka Itoobiya ay dunida u muujiyeen in midnimada horumar lagu gaari karo, isla markaana Soomaaliya ay wax badan kaga dayan karto Itoobiya, gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhismaha dowlad goboleedyada.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa khudbadda muhiimka ah ee uu ka jeediyey magaalada Mekelle, ka sokow kulamo kooban la qaatay madaxda kale ee xuskan lagu martiqaadey sida madaweynayaasha Itoobiya, Suudaan, Rwanda, ra’iisul wasaareyaasha Jabuuti iyo Uganda iyo madaxa guddiga sare ee Midowga Afrika Nkosazana Dlamini Zuma.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Mekelle kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Haile-Mariam Desalegn, isagoo kala qaybgalay bandhig weyn oo lagu maamuusayo xuskan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!