Madaxweyne Xassan Sheekh”ma wadda shaqeyn karno anniga iyo ra’iisal wasaaraha

by admin | Monday, Nov 10, 2014

Muqdisho:HN:–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa si cad u sheegay in marnaba aysan wadda shaqeyn karin asaga iyo ra’iisal wasaare C/wali Sheekh Axmed Max’ed, kaddib kulan maalintii shalay si gooni gooni ah u dhaxmaray wafuud ka soctay beesha caalamka iyo madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan madaxweyne Xassan iyo ra’iisal wasaare C/wali.

Xubnaha wafdiga ay is arkeen madaxda waxaa horkacayay wakiilka Mareykanka ee Soomaaliya ninka lagu magacaabo James P. McAnulty oo ku war-galiyay madaxda Soomaalida in ay sii wadda shaqeeyaan meeshana laga saaro khilaafka jira, si markaa looga faa’ideysto waqtiga kooban ee u harsan dowladda.

Laakiin madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in marnaba wadda shaqeyn karin sidda uu hadalka u dhigay ra’iisal wasaareXassanShiikh_Xildhibaano6 C/wali, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in haddii uu meesha ka baxo ra’iisal wasaaraha mudo aad u gooban uu ku soo magacaabi doono ra’iisal wasaare soo dhisa xukuumad howsha dadajisa.

Hasse ahaatee hadalka madaxweynaha waxaa la sheegay in uu noqday mid aad uga careysiiyay xubnihii beesha caalamka ka socda oo ku qanci waayay in gabi ahaanba tallada laga wareejiyo xukuumada hadda jirta oo howlo badan qabyo u yihiin, waxaana lagu adkeeyay madaxweynaha in uu la sii shaqeeyo ra’iisal wasaarihiisa.

Laakiin dhinaca kale ra’iisal wasaare C/wali ayaa la sheegay in uu beesha caalamka ku sheegay in mar walba uu diyaar u yahay gudashada waajibaadkiisa shaqo, islamarkaana xaq u leeyahay in uu isaga u madaxbanaanaado maamulka howlaha xukuumada madaama khilaafkan hadda jira uu ka dhashay isku shaandheyn u sameeyay ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynaha Xassan Sheekh iyo kooxdiisa, ayaa haddan olale aad u ballaaran waxaa ay ka dhax wadaan baarlamaaanka, iyaga oo ka soo shaqeeyay mooshin la sheegay in talladda looga wareejinayo ra’iisal wasaare C/wali, inkastoo guddoonka baarlamaanka oo siweyn arrintaa uga soo horjeedo.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!