Madaxweyne Xassan Sheekkh iyo ra’iisal wasaare Cabdiwali oo ka hadllay dilkii Mandheera

by admin | Tuesday, Dec 2, 2014

Muqdisho : HN :–aMadaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dilkii 36-qof loogu geystay duleedka magaalada Mandheera ee Waqooyi-bari  dalka Kenya.

“Xukuumadda Kenya iyo Soomaaliya waxay ka mideysan yihiin sida ay uga xun yihiin falka Al-shabaab ay geysatay, wayna isku garab-taagan yihiin labada waddan sidii looga hortegi lahaa argagaxisada. Sirdoonka Somalia wuxuu kala shaqeyn doonaa sirdoonka Kenya sidii lagu heli lahaa kuwii ka dambeeyay falkan lagu dilay 36-ka qof,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo qoraal kasoo saaray xafiiskiisa.

Madaxweynaha ayaa siddoo kale yiri “Waan ogsoonnahay qorshaha ay ka leedahay Al-shabaab falkan, balse ma noqonayso mid aan ku siranno. Al-shabaab waxay doonaysaa inay iska-horkeento Somalida iyo Kenyanka wada nool, balse waa inaan caddeynaa in loo baahan yahay in loo midoobo qaabkii looga hortegi lahaa kuwa dambiilayaasha ah.”

“Waa inaan ka taxadarnaa qorshayaasha Al-shabaab. Markii guul-darrooyin kala kulmeen dagaalladii tooska ahaa ayay doonayaa inay ulabadooda wareejiyaan in ay si dhuumaaleysi ah dadka ku laayaan. Waa inaan is-dajinno, Al-shabaab waxay doonaysaa in falalkaas u isticmaalaan bambaano ay nagu soo dhex-tuuraan. Waa inaan, waa inaan midownaa innagoo aan isku eegeyn jinsiyad, qowmiyad ama diin, waana in la ogaado in cadowga aan leennahay uu yahay Al-shabaab,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa kusoo xiray.

Dhinca kale, ra’iisul waasaraha Somalia ayaa isaguna qoraal uu xafiiskiisa ka soo saaray ku yiri. “Mar kale waxaan tacsi kal iyo laab ah u dirayaa ehelladii, asxaabtii iyo sidoo kale qoysaskii xubnihii la dilay,” ayuu C/weli Sheekh, isagoo intaas ku daray. “Waxaan sidoo kale tacsi taas la mid ah u dirayaa shacabka Kenya, waxaan la wadaagaynaa murugadooda, innagoo ay naga go’an tahay in laga hortago dambiilayaasha falalka noocaas oo kale ah geysanaya.”

Ugu dambeyn, C/weli Sheekh ayaa qoraalka uu soo saaray ku xusay in xukuumadda Kenya ay la wadaagayaan sidii ay uga hortegi lahayd kuwa argagaxisada ah, isagoo uga digay ciidamada Kenya ee AMISOM qaybta ka ah inay ka digtoonaadaan in arrintan awgeed ay shacabka Soomaaliyeed u dhibaateeyaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!