Madaxweyne Xassan Sheekh oo gaaray Sharmal Sheikh dalka Masar

by admin | Friday, Mar 27, 2015

Masar : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Sharmal Sheikh ee dalka Masar, halkaasoo la fillayo in uu uga qeyb-gallo madaxweynaha shir madaxeedka wadamada Carabta.

Waxaa dhinaca kale maanta magaalada Sharmal Sheikh ku soo geba gaboobay shirkh wasiirada arimaha dibadda ee wadamada carabtaIMG_58701 kaasoo uu Soomaaliya uga qeyb-galay wasiirka arimaha dibedda C/salaan Hadliye Cumar oo iiga waramay dhanka Soomaaliya waxa ay la tageen waxa uuna xusay inay weydiisteen dalalkii carabta in dowladda Soomaaliya laga taageero dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Shir madaxeeedka oo isagu dhankiisa furmi doono ayaa waxa ay Soomaaliya ka filan karto waxa uu wasiirku ku tilmaamay mid guu u ah wadanekena.

Madaxda Qaranka oo uu madaxweynuhu ugu horeeyo ayaa dadaal ugu jira sidii shirarka caalamiga ah iyo madaxda adduunka ay u hor dhigi lahaayeen xaaladda Soomaaliya iyo sida ay diyaar ugu tahay inay wax la qabsato caalamka intiisa kale.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!