Madaxweyne Xassan Shiikh iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Khartuum ee dalka Suudaan

by Somali | Wednesday, Jan 2, 2013 | 22 views

Khartuum : HN :   Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii labaad booqasho ku jooga dalka Suudaan, ayaa lagu waramayaa in ay goor dhaw gaareen magaalada Khartuum ee xarunta u ah dalkaasi Suudaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi Suudaan ayaa madaxweynaha ku soo dhaweysay garoonka diyaradaha magaalada Khartuum, isaga oo intaa kadibna loo galbiyay xarunta madaxtooyada dalka Suudaan.

Wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xusseen Guulleed ayaa sheegay in ay xalay ka soo qeyb-galeen munaasabad lagu mamuusayay 57 sano guuradii ka soo wareegtay maalintii ay xuryada qaadatay Suudaan oo lagu qabtay gobollka Blue Nille .

Waxaa uu sheegay in caawa wafdiga madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta dowladda Suudaan casho sharaf ku wada qaaday doonaan aqalka madaxtooyada, galabtana is arki doonaan ardeyda wax ka barata dalkaas.

Suudaan waxaa ay ka mid tahay dalalka sida dhaw ula socda xaalada Soomaaliya, waxaana ay siweyn u taageertay shacabka Soomaaliyeed oo mudo dheer dowlad la’aan soo ahaa.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!