Madaxweyne Xassan” waan in la ballaariyaa kulamada waddatashiga ah

by admin | Saturday, Feb 7, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa ku baaqay in la balaariyo wadatashiyada madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiimad weyn ay leedahay wadatashi u dhaxeeya madaxda sarre ee dowladda Federaalka ah iyo dowlad gobolleedyada dalka uu leeyahay, iyadoo dowladda dhexe argktideeduna ay tahay in dhammaan dadka Soomaaliyeed laga wada qeyb-galiyo wadatashiyada mustaqbalka dalka looga arrinsanayo, rajo weyna uu ka qabo sidii arrintan looga mira-dhallin lahaa.

“In laga wada shaqeeyo sidii uu dalkan caalamka ula tartami lahaa, isla markaana looga gudbi lahaa caqabad kasta oo ka hor imaanMadaxweynaha karta horumarka dalka, shirkan waa kii ugu horeeya, waxaan rajeynayaa in shirarka labaad ay imaan doonan inta ka maqan, halka kan saddexaad uu noqon doono mid ay dhamaan ka wada soo qeyb galaan oo aan la dhihi doonin cid gaar ah ayaa ka maqan shirka”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in u jeedka kulamada nuucaani oo kale ah ay yihiin sidii aayaha dalka looga wada tashan lahaa, lagana wada shaqeeyo horumarka dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!