Madaxweyne Xassan Xassan”waxaa la dhisayaa maamul ay ku mideysan yihiin Hiiraan iyo Sh/dhexe

by admin | Monday, Feb 23, 2015

Muqdisho  : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan in loo diyaar-garoobo maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo hadal heyntiisu aheyd mid aad u sii xoogeysaneysay tan iyo sanadkii hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay la hadlayay dadka reer Beledweyn, xilli isaga iyo Madaxweynaha Jabuuti ay booqdeen ayaa ugu baaqay shacabka reer Hiiraan inay u diyaar garoobaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen hirgelinta nidaamka Federaalka ee haatan ka socda dalka.

“Waxaa loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo dhismaha maamul loo dhan yahay iyo inaan diyaar u noqono hirgelinta maamulka201522263560189243879599711 Federaalka, waxaa soo socda dhismihii Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha maamul gobolleedka ay ka qeyb-qaadan karaa horumarinta adeegyada aas aasiga u ah bulshada.

“Waxaan rabaa in aad la tashiyo la yeelataan dadka ay talada idinkala dhexeyso si loo helo maamul qeyb ka noqda nidaamka Federaalka, talo ayaad ku leedihiin dhismaha maamul goboleedyada, dhismaha maamul u sameynta gobollada dhiman meel fiican ayay marayaan, ee u istaaga sidii aad u badin laheedeen talooyinka ku aadan dhismaha maamul goboleedyada” ayuu yiri Madaxweynaha dalka.

Waxaa labadii biloow ee la soo dhaafay si xowli ah u socday wada tashiyada iyo kulamada laga lahaa maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo la filayo in inta aanu dhamaan sanadkan in la dhiso.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!