Madaxweynha Somaliya oo booqday safaarada Somalia ee Faransiiska

by Yahye | Wednesday, Oct 15, 2014

Paris: HN:- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Paris ee dalka Faransiiska, Madaxweynaha ayaa wuxuu booqday safaarada Somaliya ku leedahay dalkaasi, Madaxweynaha ayaa martiqaad rasmiya oo uu ka helay Madaxweynaha Faransiiska François Hollande, ku yimid Paris.

Labada Madaxweyne waxay ka wada hadli doonaan iskaashiga xiriirka ka dhexeeya labada dal ee dhinacyada Difaaca, Amniga iyo Horumarinta.
Madaxaweyanaha waxaa wafdigiisa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Cabdiraxman Beyle, Wasiirka Difaaca, Maxamed Shiikh Xaamud, la Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga, Cabdiraxman Shiikh Ciise iyo mas’uuliyiin kale.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Dr. Cali Siciid Faqi ayaa ku tilmaamay in ay tahay markii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed iyo Madaxweynaha Faransiisku ay si rasmi ah isu soo hor fariistaan tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya 1991. Taasina waxay muujineysaa isu soo dhowaashaha Soomaaliya iyo Faransiiska iyo sida uu hadda caalamku ugu soo jeestay in uu iskaashi dhinacyo badan leh la sameeyo Soomaaliya.
Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!