Madaxweynihii dalka Venezuela Hugo Chavez oo geeriyooday

by Somali | Wednesday, Mar 6, 2013 | 30 views

Venezuela : — Waxaa lagu dhahugo-430x210waaqay inuu dhintay Madaxweynihii dalka Venezuela, Hugo Chavez.

Hadalkna waxaa si rasmi uu sii daayay Madaxweyne ku xigeenka Nicolas Maduro, oo telefishinka ka hadlay

Mr Chavez — oo ahaa 58 jir waxa uu talada dalka hayay 14 sano.

Madaxweynaha ayaa waxa hayay xanuunka kansarka oo laga daweynayay.

Dowladda Venezuela ayaa xalay uun sheegtay in dhibaatada dhinaca neefsashada ka haysay Madaxweynahooda Xanuunsan ee Hugo Chavez ay ka sii dartay.

Waxa uu ahaa warkii ugu horreeyay ee rasmi ah uu ku saabsan xaaladdiisa caafimaad Madaxweyne Chavez ee intii muddo ah la maqlo, oo aan ka ahayn in daaweyn ay ku socotay isla markaana aanu hadli karin.

Dad mudaharaadayay ayaa isugu soo baxay magaalada Caracas toddobaadka dhamaadkiisi kuwaasi oo dalbanayay warar dheeraad ah oo ku saabsan xaaladdiisa.

Hugo Chavez laguma arkin meel fagaare ah ilaa markii qalliinka looga sameeyay cudurka kansarka laba bilood ka hor.

–Dhamaad–

Like it? Share it!